Meydadka labo gabdhood oo Soomaali ah , ayaa saacadihii lasoo dhaafay lasoo dhigay qeybo kamid ah magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, gabdhahan Soomaaliyeed oo meyl wada deganaa ayaa dil loo geestay kaddibna goobo kala gedisan lagu tuuray.
Booliiska dalka Kenya ayaana durba bilaabay baaritaanno lagu sameenayo gabdhahan Soomaaliyeed ee la dilay, waxa ayna ku raadjoogaan sidii loo aqoonsan lahaa dadkii ka dambeeyay dilka gabdhahan iyo sidoo kale sababihii keenay in la dilo.
Mi kamid ah gabdhahan la dilay ayaa qoorta qeybo kamid ah toorey looga qalay, waxaa sidoo kale la jaray xubno kale oo jirkeeda kamid ah, waxaana gabdhahan Soomaaliyeed loo dilay si arxandarro ay ka muuqatay, lamana oga ilaa hadda cidda falkan geesatay,.
Kaamirada CCTV , ayaa duubtay gabdhahaan markii ugu dambeesay oo la arkayay oo ay ka baxeen gurigii ay degnaayeen, waxaana gabadhan qaateen oo raaceen gaari taksi, waxii xilligaasi ka dambeysayna ma jirin wax xog ah oo laga helay.
Soomaalida kunool magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaana falkan si weyn uga argagaxsan, waxa ayna ka warsugayaan baaritaannada ay wadaan laamaha amniga dalka Kenya iyo ciddii ka dambeesay falkan dilka ah ee loo geestay gabdhaha Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com