Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa galabta kulan la qaatay safaaradda Dowladda Talyaaniga ay ku leedahay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiyo Soomaaliya Danjire Pier Mario Dacco Coppi.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray in dib loo soo celiyo maalgashiga iyo iskaashiga Dowladda Talyaaniga ay ka sameyn jirtay magaalooyinka Hirshabelle oo ay ugu horeyso caasimada.
Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inay dhawaan booqan doonaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle si uu u soo qiimeeyo mashaariic degaanadaas laga fulinayo
“Waan ka mahadcelinayaa xiriirka taariikhiga ee aad la leedihiin Soomaaliya iyo taageeradiina Hirshabeelle.” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe