Allbanaadir.com
NEWS

Weerar saaka ka dhacay degaanka Bood ee gobolka G/gaduud

Dagaal culus ayaa maanta ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Galgaduud dagaalyahano ka tirsan ciidamada DF iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka & kuwa degaanka ayaa sheegay iney ka hor tageen weerar Al-shabaab doonayeen inay ku qabsadaan fariisin ciidanka DF ku lahaayeen meel u dhaw Degaanka Bood oo ku yaala Xuduudka Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.

“Ciidanka Xaq u dirirka ah ee Deegaanka oo kaashanaya kuwa DF ayaa jilbaha u laabtay cadowga waxaana dagaal socday wax ka badan hal saac ciidanka ay ka soo hooyeen guul taariikhi ah iyagoo jab xoogan gaarsiiyay Argagaxisada” ayuu yiri sarkaal warbaahinta la hadlay.

Al-shabaab ayaa la sheegay iney degaanada Ceel-Xasan Cali, Xintumaal iyo Degaanka Darqoojis ay geeyeen Meydadka iyo dhaawacyadii ka gaaray dagaalka.

Related posts

Wasiir goor dhow lagu dilay Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe

Caydiid Ali

Maxey ka dhigantahay in Musharax Khayre ololihiisa Doorashada ka bilaabbo Jabuuti?

Cabdi Cade

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---