Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Xoghaye Blinken markii 11aad u tagay Israel?

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah gaaray Israel, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Gaza, kaddib dilka hogaamiyihi Xamaas Yaxya Sinwaar.

Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii kow iyo tobnaan ee uu ku tagayo Israel, tan iyo markii ay billaabatay colaaddka Isra’il iyo Xamaas todobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Isra’il, taasoo kicisay duullaanka wali socda ee ay Israel ka waddo Gaza iyo Lubnan.

Israel ayaa sii xoojisay duqeymaha ay ka waddo Gaza iyo Beyrut todobaadyadi u danbeeyay, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka labada dhinac ay sheegeen in la dilay boqollaal qof.

Qorshaha socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe oo qaadan doono hal todobaad ayaa waxaa qeyb ka ah, safar uu maalinta Arbacada berrito ah isugu mari doono Urdun iyo Qatar.

Related posts

Dagaal khasaaro sababay oo maanta ka dhacay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dalalka Yurub oo sharci daro ka dhigay in la gubo Qur’aanka kariimka

Caydiid Ali

Maskax la tuujiyey ayaa lagu kala tagey! Qalinkii Maxamed Aadan Koofi

admin
Taboola Ads ---