Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan iyo William Ruto oo arrimo muhiim ah kawada hadlaya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay gaaray Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi halkaasi oo uu Maanta Shir kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ayay ku shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xalay u hoyday magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaasi oo uu Wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi William Ruto.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada-hadli doonaa Qodoba ay kamid yihiin Xoojinta Iskaashiga labada Waddan ee Arrimaha Gobolka iyo sidoo kale Marxaladda kala guurka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS sida ay sheegtay Warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

TVga CNN: “Khilaafka & xiisada u dhexeysa Mareykanka & Israel oo meel adag gaaray

Caydiid Ali

Dayuurad xamuul ah oo ku dhacday garoonka Berdaale ka dib gantaal lala helay

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Baaq u dirtay Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---