Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullaah oo duqeymo culus ku garaacday saldhigyo ciidan oo Isra’il kuyaalla

Kooxda Xisbullah  ayaa sheegatay masuuliyadda weerar gantaalo oo lagu qaaday saldhigga ciidamada badda Israil ee Haifa, waxa ayna xuseen kooxdan in weerarkan lala helay bartilmaameedyadii loogu tala galay.

Kooxda hubaysan ee dalka Lubnaan ka dagaallanta  ayaa sidoo kale sheegtay inay duqeeyeen saldhiga ciidamada badda ee “Stella Maris”, oo waqooyi galbeed kaga beegan magaalo xeebeedka Haifa ee dhulka Isa’il maamusho.

Xisbullah waxa ay sidoo kale soo bandhigtay sawir ay ku leedahay Telegram kanaalka ay ku leedahay iyada oo qoraal ay ku sheegtay in ay gantaal ku garaacday aagga woqooyi ee Kaysariya, halkaas oo uu ku yaal guriga Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyada oo aan si cad loo sheegin weerarka.

Mar sii horreysay, kooxda Xisbullah Xisbullah ayaa sheegatay weerar lagu qaaday saldhigga milatari ee Glilot ee u dhow Tel Aviv, iyadoo la adeegsaday “gantaal salvo”, iyo sidoo kale wax u muuqda weerar labaad oo lagu qaaday agagaarka Tel Aviv.

Maamulka Israel ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay aagga Tel Aviv, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalada culus ee kooxda Xisbullaah ku garacaeen saldhigyada ciidan iyo goobaha kale ee Isra’il kuyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu weeraray Sh/hoose & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Qarax dhaliyay Khasaaro badan oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Kulan shaki badan abuuray oo dhacay & Wasiir ka tirsan DF oo la saftay beeshiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---