Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore Alejandro Toledo oo 20 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Madaxweynihi hore ee Peru Alejandro Toledo ayaa Isniinti shalay lagu xakumay 20 sano ito lix bil oo xabsi ah, kaddib marki lagu helay eedo la xiriira musuq maasuq.

Dacwad-oogayaasha ayaa Toledu ku eedeeyay in uu laaluush gaaraya 35 milyan oo dollar ka aqbalay shirkadda ka shaqeyso dhismaha ee Odebrecht ee laga leeyahay Brazil, taas oo lagu eedeeyo in ay lacago badan oo laaluush siisay madax iyo saraakiil sare oo ka tirsan dhowr dowladood oo ku yaalla Larin America.

Lacagta ku kaceysa dhismaha jidka ayaa aheyd qiyaasti $507 oo milyan, laakin Peru ayaa marki danbe lagu qasbay in ay bixiso1 bilyan iyo 250 milyan oo dollar.

Toledo waxaa lagu eedeeyay in lacagaha laaluushka uu kaga badashay shirkaddan ogolaasha ruqsad ay ku dhiseysay jid weyn oo ku yaalla dalkaasi dhaca koofurta America.

Toledo oo soo xakumay Peru inti u dhaxeysay 2001 to 2006, ayaa laga soo xiray Mareykanka sannadki 2019-ki, waxaana dowladda Peru lagu wareejiyay sannadki 2022-ki.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo shaacisay jadwalka doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dilay nin dil geestay oo baxsad ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---