Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo shan qodob kala hadlay danjire Wang Yu (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu

Waxay ka wada hadleen arrima dhowr ah oo la xariira horumarinta Caasimadda iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Kulankan oo goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray arrima ay ka mid yihiin, Dardargalinta mashaariicda lagu horumarinayo bilicda caasimadda gaar ahaan Dhismaha Waddooyinka, dib u howlgalinta Bulaacadaha Biyo-mareenada ah, dhismaha Warshadaha wax soo saarka iyo Mataaneynta Magaalooyinka Muqdisho iyo Beijing.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu ayaa isku afgartay in la dadajiyo fulinta qodobadii kulankan looga hadlay iyo in la hormariyo xariirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Related posts

Al-Shabaab oo goor dhow la wareegtay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Khilaaf ka dhex aloosan heyadda NISA & Digniin loo diray Madaxda DF & D/goboleedyada

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska oo gacanta kusoo dhigay rag dil ka geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---