Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Geelle oo kawada hadlay howlgalka cusub ee AUSSOM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku guda jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo qaar ka mid ah waddamada ay ciidamadu ka joogaan dalkeenna, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray adkaynta nabadda iyo amniga gobolka, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dal, iyo ilaalinta gobannimada dalalka gobolka. Waxay si wadajir ah u soo dhoweeyeen aasaaska howlgalka cusub ee taageerada xasilloonida Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaasoo baddali doona hawlgalkii hore ee ATMIS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada walaalnimo ee joogtada ah ee ay ku bixiyaan amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan naf-hurnimada ciidamada Hiil Walaal ee ka barbar dagaalama ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo halyeeyada difaaca shacabka ee ku guda jira howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa adkeeyay in Jabuuti ay labanlaabi doonto taageeradeeda nabadda, dowlad-dhiska iyo difaaca qarannimada Soomaaliyeed, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu noqondoono kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjari lahaa qatarta argagixisada gobolka.

 

Related posts

Xogta kulan dhexmaray RW Ku-xigeenka DF & Wasiirka arrimaha dibeda Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland: Ma aqbalayno fulinta Xeerarka uu ansixinayo Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Gudoomiye ku-xigeenkii Baarlamanka Yurub oo la eryey ka dib fadeexad soo wajahday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---