Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanadda labada Aqal oo ka dooday xisaab xirka sannad miisaaniyeedkii …

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad,waxaana shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaanna Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka uu xubnaha labada Aqal u faahfaahiyay warbixinta xisaabxirka miisaaniyaddii 2023.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaana Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay ka doodista xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023 islamarkaana guddiga maaliyadda ee labada Aqal dib loogu celiyay si uu usoo diyaariyo Akhrinta sedaxaad dibna Golaha uu ugu soo celiyo.

 

Related posts

Yey Libinta Siisay Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Dhuusomareeb 3 (Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

(Akhriso) Kenya oo War cusub ka soo saartay heshiiskii ay kala saxiixdeen Farmaajo & Kenyatta

Caydiid Ali

Imaaraadka iyo Sacuudiga oo si weyn uga carooday Hadal kasoo yeeray Wasiir George Kordahi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---