Allbanaadir.com
NEWS

Dal Afrikan ah oo shaaciyay in dalkooda ka ciribtireen cudurka Malaariyada

Waddamo badan oo caalamka kuyaalla gaar ahaan Qaarada Afrika, waxaa dbibaato badan ku haya cudurka malaariyada kaas oo ay u dhinteen dad badan, waxaa hadda jira dalal waqti badan iyo qarashba galiyay sidii ay cudurkaasi ula diriri lahaayeen.

Dowladda Masar ayaa 100 sano kaddib ku dhawaaqday inay ka xorowday duumada ama Malaariyada ay dalkeed ka cirib-tirtay, waxa ayna dowladda Masar shaacisay in ay guuleesteen dedaalo ay kula dagaallamayeen cudurkaasi .

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Masar waxa ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO u xaqiijisay in duumada ay ka cirib-tirtay dalkeda kaddib dadaal dheer, waxa ayna dowladda sheegtay in meesha ka baxday cabsi dambo oo laga qabo cudurkaasi.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka dadwaynaha, ayaa dhankeeda ku tilmaantay mid taariikhi in dowladda Masar ay soo afjartay cudurka Duumada, waxa ayna Masar ku amaaneen in dadaalkoodii uu guul kusoo dhammaaday.

Cudurka Malaariyada ayaa dhibaato badan ku haya dalal badan oo kuyaalla Qaarada Afrika, waxaana la sheegaa in cudurkan sannad kasta dalal Afrika kuyaalla ugu dhintaan dad gaaraya 600,000 oo qof, halka dadka uu soo ritana intaasi ka badan yihiin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo furay shir looga hadlayo ganacsiga & Maalgeshiga Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha SSC oo Muqdisho kula kulmay Masuuliyiin katirsan Dowladda

Cabdi Cade

Ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare oo la sheegay in Ilmo habreed yihiin Ra’isul Wasaare ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---