Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil booqatay degaano laga saaray Al shabaab (Sawirro)

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaano dhawaan laga saaray Al shabaab oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgal Toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Al shabaab looga xoreeyo tuulooyinka Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.

Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in Al shabaab muddo kooban looga sifeeyo deegaanada ay ka joogaan gobollada Shabeellooyinka

Waxaa uu intaas ku daray in howlgalka ay ka qeyb ka yihiin ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS ee taageeraya milateriga dowlada, isagoo tilmaamay in howlgaladan aysan joogsan doonin inta Al shabaab ay joogto degaan ka tirsan Somalia.

Related posts

Habraaca xalinta khilaafaadka doorashada xubnaha Aqalka sare oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Shir Deg deg ah oo laga yeeshay Kulanka Fiinaalaha ee Galmudug iyo G/Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Hogaamiye afgembi ku qabsaday xukunka oo muddo kordhin dheer sameystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---