Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo caawa gaaray Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaraha waxaa ku soo dhaweeyey R/wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda dowladda Jabuuti.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berito kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo Arimaha ahmiyada u leh labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal Shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaala.

Related posts

Somaliland oo beenisay wareysi ay baahisay Al-Jazeera

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo ruqsadii kala noqotay dayuurado laga leeyahay Kenya (Sababta)

Caydiid Ali

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Is Casilaada Gen. Guulwade iyo Wareysigii uu bixiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---