Allbanaadir.com
NEWS

Australia oo qaadeysa talaabo ka dhan ah Israel

Dhammaan 66 shati ee ay Australia hubka ugu dhoofin jirtay Israel billawgii dagaalka Gaza kahor, ayaa hadda laga fiirsanayaa in la joojiyo.

Warkan waxaa maanta oo axad ah baahisay the Guardian, iyada oo soo xiganaysay ilo ku xiran Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qandaraasyada hubka waxaa loo eegayaa mid-mid. Waxaana la gudanayaa waajibaadka Australia ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Cadaadiska ugu wayn, waxaa dawladda Australia ku haya Richard Marles oo ah nin u dooda xuquuqda Aadanaha oo bishii April dawladda u soo jeediyey, in la baabi’iyo dhammaan ruqsadihii Israel iyo dalal kalaba lala galay ee ay wax ku xasuuqayaan.

Dawladda Australia ee fadhigeedu yahay Canberra waxay mar walba ku celcelisaa, inaysan hub u dirin Israel tan iyo billawgii dagaalka Gaza. Australia waxaa kale oo ay diidday, inay dayactirka dayuuradaha dagaalka ee F-35 ay u dirto Israel. Dayuuradaha F-35, taasoo ay si joogto ah ugu isticmaasho Gaza iyo Lubnaan.

Dayuuradahan waxay 90% dumiyeen Gaza, iyagoo laayey in ka badan 42,000 qof. Australia ma’aha dal hub culus ka iibiya Israel, laakiin wuxuu u diraa qalabka IT, software-yada, radio-yada, iyo qalabka yar-yar ee laga sameeyo electronic.

Ilaa 247 ruqsadood oo hub iyo wax soo raaca ah, ayey Australia u gudbisay Israel tan iyo 2019. Waxaase hadda aad u shaqeeya ruqsado 66 ah oo hadda dib-u-eegis lagu samaynayo.

Xisbiga 3aad ee ugu wayn Australia oo ah The Greens, ayaa dalbanaya in la jaro dhammaan heshiisyada military ee sida tooska ah loogula jiro Israel.

Prime Minister-ka Australia Anthony Albanese, isagu wuu diiddan yahay in la laalo dhammaan ruqsadaha la siiyey Israel. 12 bilood aan soo dhaafnnay, Australia waxaa lagu cadaadinayey inay soo gabo-gabayso heshiisyada military ee Israel ay kula jirto.

Maxkamadda ICJ, ICC, QM iyo ururrada hoos-taga iyo ururro kale oo caalami ah oo tiro-beel ah, ayaa Australia cadaadis ku hayey.

 

Related posts

Sirdoonka Mareykanka oo kashifay arrin halis ah oo uu damacsan yahay Putin

Caydiid Ali

(Sawirro) Mustafe Cagjar oo casho sharaf u sameeyey Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka digay qorshe la xariira Xamaas oo Turkiga damacsan yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---