Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: Muddo kordhin waa lama huraan haddii lagu Gaarayo..

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa Raisulwasaare Mudane Xamze Cabdi Bare waxaa la gudboon iney xoogga saaraan horumarinta dimoqaradiyada lagu wanaajinayo dowladda dhisida Soomaaliya, waxeyna tilaabada 1aad ka bilaabaneysaa dhameystirka dastuurka oo u gogol xaaraya qabashooyinka doorashooyinka ay dadweynuhu codkooda ku soo dooranayaan madaxda masiirkooda siyaasadeed maamuleysa.

Dowladda hadda jirta wakhtigeeda waxaa ka harsan wax ka yar laba sano, waxaana ku adkaaneysa iney sameyso doorasho ay ku soo baxaan xisbiyo qaran, dhismaha maxkamadda dastuurka, iyo doorashooyin dadweyne, waxeyna kuwaas dhamaantood ay u baahan yihiin xeerar la isla wada ogol yahay, iyo weliba wakhti ku filan oo si saxa loogu fuliyo, waxeyna tilaabadaas ay u baahan tahay tixgelin in lagu siiyo in Soomaaliya aysan doorashooyin dimoqaradiya aysan ka dhicin mudo aad u dheer, taas oo u baahan in fursad dheeriya loo siiyo dadweynaha dhaqankaas ku cusub iney si dhameystiran ula qabsadaan.

Wakhtiga intiisa badan haddii lagu dhameeyo shirar ay ku gadaaman yihiin khilaafyo aan dhamaad lahayn, waxaa ka dhalaneysa inaan waxba la qaban oo shirarkiina ay miro dhali waayaan, waxyaabihii la rabey in la qabtana la gaari waayo meelmarinteeda, taas oo ka dhigeysa waxqabada dowladda mid mudo xileekeeda ay ku guuldareysato, taas oo u horseedeysa madaxda sare ee dowladda guuldaro siyaasadeed oo ay kala kulmaan dib u soo noqoshadooda, maadaama maandeytkoodii gudaha ay ku guuldareysteen iney wax ka qabtaan.

Dowladda waxaa looga baahan yahay ineysan ku deg degin mudo kordhin ay sameysato ama loo sameeyo madaxda maamul goboleedyada haddii aysan jirin geedi socod bilowday oo socda oo farsamo ahaan ugu baahan mudo kordhin kooban, waxaana sidaas daradeed looga baahan yahay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iney bilaabaan tilaabooyinka ficil ahaan lagu muujinayo qaadida geedi socod lagu bilaabayo hawlaha lagama maarmaanka u ah qabsoomida doorashooyinka oo ay ugu horeyso dejinta sharciyada la xiriira doorashooyinka iyo ansixintooda.

Dadweynuhu waxey dhibsanayaan in madaxda dowladu ay sameyso mudo kororsi ama mudo kordhin aan munaasab ahayn, iyadoo aysan jirin cilado farsamo oo kaliftay hawlo ficil ahaan u socda oo ay keento geedi socod ay hawsheedu socoto, taas oo bedelkeeda horay ugu dhacday iney madax badan caadeysteen iney sameystaan mudo kororsi aysan mudnaanteedu meesha oolin, taas oo ay ka dhalato muran hareereeya siyaasiyiinta xilka haya iyo shacabka oo ay horseedayaan siyaasiyiinta mucaaradka ku ah mudo xileedka la kororsado.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo raisulwasaarihiisa waxaa horyaala fursad ay mudo kororsi ku ogolaan karaan iyaga sumcadweyn taariikhdooda u gelineysa, taas oo ah iney mudo kororsi ku bedeshaan Soomaaliya oo taariikhda mudo dheer kadib ay dadweynuhu u codeynayaan doorasho xor ah oo xalaal ah, maxaayeelay fulinta tilaabadaas ayaa ah horumar weyn oo la sugayey nus qarni iney hirgasho, taas oo haddii ay dhacdo ka dhigeysa madaxda hadda xilka haysa kuwo weligood si gaara taariikhda Soomaaliyeed si weyn loogu xuso oo loogu qadariyo.

Dowladda Soomaaliya hadda waxey ceebta ugu weyn ka haysataa guuldarada ka haysta siyaasadaheeda arrimaha gudaha oo shacabka Soomaaliyeeday u arkaan horumarka gudaha inuu gaabis yahay oo haddii ay sidan ku dhamaato mudo xileedkeeda ay dalka gelineyso dib u dhac ka turjumaya mudo xileed qasaaray iyo hogaanxumo astaan u noqneysa madaxda sare ee dowladda, waxaana taas ka sii daran haddii ay madaxda dowladda sameyso mudo kordhin shuruudeysan oo haddana ay fuli waayaan balamihii lagu hiigsanayey waxqabadkii lagu heshiiyey fulintooda.

Dastuurka oo la dhameystiro ayaa ah guul weyn, sidoo kale dhameystirida xeerarka lagu gelayo doorashooyinka ayaa ah guul labaad oo aad u weyn, waxaana xigta kuwaas qabsoomida doorasho dadweyne oo ah guusha ugu weyn oo dowlad Soomaaliyeed ay gaarsiin karto shacabkeeda, dadaaladaas oo dhan waxey u baahan yihiin in madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooda iney maskaxdooda geliyaan in tilaabooyinkaas oo lagu guuleysto ay tahay waxtarka guud ee Soomaaliya, balse aan loo arkin guul u gaara madaxda hadda xilka haysa.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, iyo weliba siyaasiyiinta dibed jooga ka ah xilalka dowladda, waxaa la gudboon iney la yimaadaan tanaasulo la isku saxayo oo weliba wanaaga maslaxada guud ee shacabka Soomaaliyeed awgeed loo baahan yaay in la isugu dulqaato si loo gaaro heshiis meel dhexe la isugu yimaado, waxaanse marnaba masuul siyaasiya aan ku habooneyn inuu shirarka ummadda Soomaaliyeed ay indhaha ku wada hayaan oo masiirkoodu ku xiran yahay, inuu si macangegnimo ah uu uga dhaqaaqo, isagoo doorbidaya tiisa gaar ahaneyd.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Natiijada Doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee Puntland oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Dib u dhiska garoonka Stadium Muqdisho oo heer gebogebo ah maraya (Sawirro)

Caydiid Ali

Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar oo fuliyey Mashruuc Indho fiiqis & Daweyn Bilaash ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---