Mareykanka iyo xulafadiisa sirdoonka galbeedka ayaa ka walaacsan inuu jiro isbahaysi sirdoon oo Ruushka iyo Shiinaha ay ku taageerrayaan Iran, kaddib markii la arkay dukumentiyo sir ah oo la xiriira qorshaha howlgalka Israa’iil ay ku doonayso inay ku weerarto Iran inuu si fudud ku galay gacanta Iran
Tani waxay ku riixday Mareykanka iyo xulafada sirdoon ee dalalka shanta ah oo loogu yeero ‘Shanta indhood’, ee kala ah; Mareykanka, Ingiriiska, Canada, Australia iyo New Zealand inay sameeyaan baaritaan dhab ah, iyadoo waxyar ka hor ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters in Congress-ka Mareykanka uu u furmay kulan qarsoodi ah oo la xiriira sida ay Iran ku awooday inay hesho xogta sirdoonka ee muhiimka ah, halka FBI-da ay bilowday baaritaanka la xiriira dhacdadaan sirdoon oo aan wali la sheegin in howlgalkan lagu fuliyay hab jabsi ah, wakiil sirdoon ama sarkaal Mareykan ah inuu xogtan bixiyay.
Ma cadda sida xogtan la helay ay wax uga beddelayso qorshihii Israa’iil ay ku doonaysay inay ku weerarto Iran, iyadoo Netanyahu uu caawa kulan deg deg ah ugu yeeray saraakiisha amniga iyo sirdoonka oo ay weheliyaan xubno kooban oo wasiirro ah.
Howlgalkan sirdoon wuxuu u muuqdaa inuu la mid yahay midkii dhacay April ,2023 — markaa oo sirdoonka Ruushka uu helay dukumentiyo dhowr ah oo la xiriira dagaalka Ukraine iyo taageerrada ay reer galbeedka ku siinayaan Ukraine inay kaga guuleysato dagaalka Ruushka.
Baaritaan la sameeyay ayaa lagu oggaaday waqtigaa dukumentiyada in laga helay duuliye ka tirsan ilaalada cirka ee gobolka Massachusett ee dalka Mareykanka.
Suurtagalnimada iskaashiga sirdoonka ee dalalka bariga oo horumar sameynaya waxaa la arkay markii dhawaan la shaaciyay inuu Ruushka wakiilladiisa sirdoonka ee ku jira hay’adaha dalalka iyo ururka Midowga Yurub ku wareejiyay Shiinaha si ay ula shaqeeyaan, markaa oo ay soo baxday surtagalnimada inay jirto sirdoon muhiim ah oo Ruushka uu ku beddeshay wakiilladiisa sirdoonka ee ku firirsan gudaha Yurub, kuwaasoo qaarkood xilal sare la sheego inay ka hayaan dalalka iyo gudaha ururka Midowga Yurub, markii ay soo baxday inay Israa’iil weerarri karto xarumaha nukliyeerka Iran, ayaa la sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran inuu la xiriiray Putin, kulanka oo aan faahfaahintiisa la soo bandhigin, waqtigaa wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ayaa wadahadalkan shaacisay inuu la xiriira iskaashiga labada dal oo ay xigtay kulanka Putin iyo dhiggiisa Iran.