Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal ka dhacay Luuq, xili shalay heshiis la kala saxiixday

Dagaal ayaa maanta mar kale ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, dagaalkaas oo u dhaxeeya beelo wada dega halkaas.

Maleeshiyooyinka Beelaha Gawaawiin iyo Macalin weyne oo isku hor fadhiyey maalmahan degmada Luuq ayaa isku adeegsaday hub kala nooc ah

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobjogayaal ay xaqiijiyeen dhimashada illaa sideed qof iyo dhaawaca shan kale, kuwaasoo u badan dhinacyadii dagalamay.

Waxa uu dagaalka saaka ku soo beegmayaa xilli shalay odayaasha beelaha ku dagaalamaya ay heshiis, uu ka shaqeeyey maamulka Jubaland, ku kala saxiixdeen magaalada Kismaayo.

Waa markii labaad ee beelahan ay jebiyaan heshiis nabadeed oo ay kala saxiixdaan, lamana oga maanta waxaa soo cusbooneysiiyey dagaalkan.

 

Related posts

Askari dilay labo Wiil oo Ciyaartyoy ahaa oo saakay xukun dil ah lagu fuliyay

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo loogu baaqay in uu is casilo 

Cabdi Cade

Facebook oo tirtiray qoraal uu soo dhigay Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---