Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Diyaano oo tallaabo qaaday kaddib amni daro soo korortay (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kormeer shaqo ku sameeyay qaar ka mid ah saldhigyada booliiska ee ku yaala gobolka Banaadir, waxa uuna kormeerkan ugu kuurgalayay sida ay shaqeeyaan saldhigyada iyo ciidanka jooga.

Jeneraal Asad Diyaano ayaana si gaar ah u kormeeray xalay saldhigyadda booliiska ee degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo Xamarweyne, waxa uuna halkaasi kula kulmay kana dhageestay warbixinno taliyaasha saldhigyadaasi iyo saraakiisha kale ee joogta.

Waxa uu taliyaha si gaar ah u eegayay sida ay heeganka amni ugu jiraan ciidanka booliiska ee ka howlgalla saldhigyada uu booqday, waxa uu sidoo kale u kuur galayay xaalada amni ee ka jirta degmooyinka uu tagay iyo sida ay uga dhax shaqeeyaan ciidanka amniga.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Diyaano, ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada booliiska u hayaan shacabka ku dhaqan degmooyinka uu tagay, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga.

Kormeerka taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya  , ayaa kusoo aadeysa xilli uu maalmahan xumaaday ammaanka qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaa ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal  loo geesanayay ganacso kaamirada CCTV goobahooda ku xirtay.

Al Shabaab ayaana ku amreysa ganacsatada magaalada Muqdisho in ay kaamirooyinka ka saaraan goobahooda ganacsi, waxa ayna dil ugu hanjabeen ciddii amarkooda diida, waxaana hadda xiran ganacsiyo badan oo kuyaalla degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dalka Kenya iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dhul gariir caawa laga dareemay Magaalooyin ka tirsan Kenya oo Nairobi ay ku jirto

Caydiid Ali

Jeneraal Gabre iyo Saraakiil kale oo Itoobiyaan ah oo la amray in lasoo xiro !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---