Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan qasab loogu gacan geliyey Maxkamada dembiyada ICC (Daawo Sawirro)

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe horena u ahaan jiray hogaamiye maleeshiyo ayaa loo diray Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Waxaa lagu soo oogayaa dacwado ah dambiyo aadamenimada laga galay iyo kuwo dagaal marka la hor geeyo Maxkamadda.

Alfred Yekatom oo loo yaqaano (Rambo) ayaa hogaaminayey maleeshiyo Masiixiyiin ah markii ay socotay colaadii diimaha ku salaysnayd ee u dhexeysay jabhadii Muslimiinta aheyd ee talada dalkaas sanadkii 2013 la wareegtay.

Qalalaase ayaa weli ka socda dalkaas iyadoo ku dhawaad 40 qof ay ku dhinteen dagaalo dhacay todobaadkii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ciqaab adag ugu hanjabay Sacuudiga hadii ay ku cadaato dilka Khashoggi

Caydiid Ali

Somaliland oo shaacisay in weerar maanta kusoo qaadeen Ciidamo katirsan Puntland

Cabdi Cade

Abiy Ahmed: “Ma rabno inaan dagaal cusub la galno Somalia, Waxaan dooneyna..”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---