Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) , oo kamid ah xildhibaannada ugu saameynta badan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo daristay xaalad caafimaad oo sababtay in diyaarad gaar ah looga qaado magaalada Muqdisho.
Jacfar oo saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, ayaa xalay diyaarad caafimaad oo kasoo qaaday magaalada Muqdisho geysay magaalada Nairobi ee caasimadad dalka Kenya, waxaana la dhigay isbitaal kuyaalla magaaladaasi oo xaaladiisa lagula tacaalayo.
Ehelada xildhibaanka iyo siyaasiyiin kale oo la socota , ayaa sheegay in hadda xaalka caafimaad ee xildhibaanka soo fiicnaanayo, waxa ayna xuseen in aysan jirin xaalad weyn oo laga walaaco oo xilligan heesata xildhibaan Jacfar.
Xildhibaanka ayaana la sheegay in uu ku dhacday cudurka malaariyada ,sidoo kale ku kacday cudurka macaanka uu qabay, waxaana la dhigay isbitaal weyn oo kuyaalla magaalada Nairobi halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo masuuliyiin kale oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa isbitaalka ku booqday xildhibaan Jacfar, waxa ayna ilaah uga baryeen in caafimaad deg deg ah siiy xildhibaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com