Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo dhaleeceeyay lacago yaab leh oo shacabka Muqdisho laga qaadayo

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa caasimadda Muqdisho ka bilaabay lacago dad badan aad ula yaabeen oo lagu sheegay in dadka caasimadda lagu diiwaangalinayo, waxaana dadka lagu qasbi doonaa in lacagtaasi ay xoog ku bixiyaan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , ayaa si kulul u dhaleeceeyay lacagtan diiwaangelinta lagu sheegay ee laga qaadayo qoysaska kunool Muqdisho, waxa uuna sheegay Kheyre in shacabka Soomaaliyeed lagu sii kordhnayo culeeskii horey u saarnaa.

”Waxaan si kulul u dhaleeceynayaa lacagaha sharcidarrada ah ee maamulka Gobolka Banaadir ku soo rogay qoysaska ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, iyada oo lagu tilmaamayo diiwaangelin dadweyne. Tallaabadan waxa ay sii kordhinaysaa culayskii dhaqaale ee saarnaa shacabka Muqdisho, waxa ayna dadweynaha ka fogeynaysaa dowladnimada” ayuu yiri Kheyre.

Kheyre ayaana sheegay in shacabka magaalada Muqdisho bixiyaan canshuuro badan oo aan dib loogu celin, waxa uuna ugu baaqay madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir in ay dib uga laabtaan lacagtan cusub ee shacabka xoogga looga qaadayo.

”Shacabka caasimaddu waxa ay bixiyaan canshuuro badan, waxa ayna mudan yihiin in dib wax loogu celiyo. Waxaan madaxda Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ugu baaqayaa in ay dib uga laabtaan go’aankan, awooddoodana u jiheeyaan horumarinta caasimadda iyo hirgelinta adeegyo iyo mashaariic waxtar u leh dadweynaha, lana dardargeliyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Dalka” ayuu yiri Kheyre.

Hadalka Ra’isul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre , ayaa kusoo aadaya xilli shalay magaalada Muqdisho ka bilaabatay diiwaangelinta shacabka caasimadda, iyadoona dadka la diiwaangalinayo laga qaadayo lacago qasab ah, ciddii diidanaya la xiri doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beelaha Hawiye oo bilaabay qaban-qaabada shirweyne ka dhan ah muddo kororsiga

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo Dhaqaalaha ka jartay maamulka Jubbaland kadib Cadaadis la saaray !

Cabdi Cade

Laamiga Dayniile oo sanado kadib dib u dhis lagu bilaabay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---