Allbanaadir.com
NEWS

Konton Gantaal oo lagu garaacay Israel & khasaare ka dhashay

Milatariga Israa’iil ayaa waxay sheegeen in 55 gantaal oo laga soo riday Lubnaan lagu dhuftay magaalada Haifa iyo magaalooyin kale oo ku yaalla woqooyiga Israa’iil.

Sida ay sheegeen ciidamada Israel qaarkood ayaa waxaa qabtay nidmaamka difaaca hawada ee Iron Domeka halka qaarkoodna ay khasaare geysteen

Adeegga caafimaadka ee Israa’iil ee Megan Adom ayaa waxa uu sheegay in nin 29 jir ah uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray firirka gantaalada, halka qof kalana uu dhaawacmay kadib markii gantaal ku habsaday hoygiisa.

Dhanka kale sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP ururka Xisbullah ayaa waxa uu sheegay in uu gantaalo ku garaacay xero milatari oo ku taalla magaalada Haifa

 

Related posts

Siyaasi Caan ah oo la mamnuucay in lagu soo booqdo Xabsi weyn uu ku xiran yahay

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh iyo dhigiisa Erdogan?

Caydiid Ali

Beesha Xawaadle oo go’aansatay in askartii lagu dilay Ceel-baraf..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---