Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Tramp oo booqday goobaha uu baabi’yey dabka gobolka California (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray California si uu u soo indha indheeyo qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto.

Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka qasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la’yahay.

“Cidna kuma fikirin iney sidan wax u dhacayaan, waana wax laga naxo waxaanna ku dadaaleynaa dadka ay masiibada ku habsatay sidi aan u caawin lahayn, Waxaanna rajeynayaa ayuu yiri masiibo noocani iney markale na soo marin, maadaama uu dabkan yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid na soo mara” ayuu yiri Trump.

Dab kan la mid ah oo ka dhacay Los Angeles oo ay seddex qof ku dhinteen waxaa lagu guuleystay in mudda gaaban lagu xakameeyo.

Toddobaadka soo socdana waxaa la saadaaliyey ayuu yiri roobab xooggan iney ka di’i karaan deegaannada uu dabku ku dhuftay marka maadaamaa ay daadad ka dhalan karaan waa in taxaddar weyn la sameeyaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan shaqada iskaga casilay sabab dad badan ka yaabisay

Caydiid Ali

Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay Gacankudhiigle baxsad ku jiray

Cabdi Cade

Milatariga Mareykanka oo ka hadlay Markab ay Gantaal ku weerareen Xuutiyiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---