Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeeray, goobjoogna ka ahaa shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah oo dawladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hey’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya  (SODMA), Maxamuud Macallin,  ayaa kala  wareegay shixnada gar gaarka danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa dawladda Turkiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan, waxa uuna xusay in Turkiga kaalin aan la ilaawin karin uga soo baxay Soomaaliya.

Dowladda Turkiga , ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn uga caawiyay dhinac gargaarka , waxa ayna Turkiga Soomaaliya marar badan ugu deeqday gargaar aad loogy baahnaa, iyadoona Turkiga noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya usoo gurmatay xilli xaalad adag dalka ku jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shacab careesan oo banaan bax ka dhigaya qeybo kamid ah magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Caaqil Saxiixiisa si khaldan loo isticmaalay oo qeylo dhaan hawada mariyay

Cabdi Cade

Guddi Wasiirro oo ka shiray Isticmaalka khaldan ee Baraha bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---