Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad lagu weeraray guriga Netanyahu iyo fashil ku yimid nidaamka difaaca

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weerarray saacado ka hor guriga Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee ku yaalla magaalada Tel Aviv gaar ahaan aagga xeebta Mediterranean-ka ee Caesarea, iyadoo diyaaradan ay awoodan inay ku qaraxdo guriga Ra’iisul wasaaraha, balse waqtigaa waxaa la sheegay Netanyahu iyo xaaskiisaba inay ka maqnaayeen guriga.

Diyaaradda ku dhacday dhismaha Netanyahu ayaa la sheegay inay Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato, mana jirin wax digniin ah oo ay bixiyeen nidaamka difaaca iyo raadarrada, taasoo mar kale muujinaysa sida ay Xisbullah u awooddo inay jabiso nidaamyada difaaca. Wuxuu sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil in labo diyaaradood oo kale laga hortagay, balse ay baarayaan sida ay u awooday diyaaradda ku dhacday dhismaha Ra’iisul wasaaraha inay halkaa gaarto.

Isla waqtigaa ay garaacday diyaaradan dhismaha guriga Ra’iisul wasaaraha , wuxuu seeriga ka yeeray saldhigga ciidanka Israa’iil ee Glilot, balse ma jirin wax weerar ah oo saldhiggaa ka dhacay , tan oo ka dhigan inay dhacday jabin lagu sameeyay nidaamka difaaca iyo raadarrada.

W/T Iman Jamac

 

Related posts

Tarsan: “Somalia waa dalka kaliya Afrika ee dagaal kula jira labo urur oo argagaxiso ah”

Caydiid Ali

Kenya oo dalkeeda ka mamnuuceysa 66-qof ay ku jiraan Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah

Cabdi Cade

Xog: Wada-hadal nuucee ah ayaa u furmay Daacish iyo ganacsatada Suuqaha Bakaaraha ?

Cabdi Cade