Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo la laayay ( Magacyo)

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya , ayaa lagu shaaciiyay in Ilaa 30 ka tirsan Al Shabaan lagu dilay tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay howlgal ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:-

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijtu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen.

Related posts

DEG DEG: Qarax goor dhow bartamaha Magaalada Hargeysa (Faahfaahin hordhac ah)

Caydiid Ali

Dad ku fashilmay in ay Dilaan Abiy Ahmed oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo ku wajahan dal ka tirsan Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---