Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya ciidanka deegaanka ee Macawuusleyda ayaa xalay fuliyay weerar xeeladeysan oo ka dhan ah dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa deegaan dhaca duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka oo helay xogta mnaleeshiyaad katirsan Al Shabaab oo isku aruursanayay deegaanka Dhagaxley ee duleedka degmada Ceeldheer , ayaa waxa ay ku qaadeen weerar aysan fileyn , kaa oo jihada ka dhumiyay maleeshiyaadka Al Shabaab.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ay ka dul dhaceen maleeshiyaadka Al Shabaab oo deegaanka ka waday is aruursi, waxa ayna xuseen in weerarkaasi kooxda ku gaarsiiyeen khasaaro kana eryeen deegaanka ay ku sugnaayeen.
Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka hoggaamineysay in ay wali qiimeyn ku wadaan khasaaraha kooxda Al Shabaab ku gaarsiiyeen weerarka, waxa ayna xuseen in wali lagu daba jiro firxadka kooxda Al Shabaab ee xalay weerarka lagu qaaday.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan qeybo kamid ah bariga gobolka Galgaduud, ayaa marar badan fuliyay weeraro badan oo gaadmo ah oo ka dhan ahaa Al Shabaab, waxaana weeraradaasi Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaarooyin badan.,
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com