Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Isra’il oo ka hadlay Weeraro Diyaarado oo lagu soo qaaday

War kasoo baxay milatariga maamulka Isra’il, ayaa looga hadlay diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray gudaha Israa’iil, waxa ayna weerarkan diyaaradaha loo adeegsaday cabsi ka abuureen deegaannada yahuuda degan yihiin.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah  ay ku soo dhacday aagga Kaysariya ee bartamaha Israa’iil subaxnimadii hore ee saaka, halka diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo diray Lubnaan lagu weeraray deegaan dhaca waqooyiga Israa’iil..

Waxa ay sheegeen milatariga Israa’iil  in duullaanka loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku wadaan dib u eegis , ayna raadinyaana xal looga hortago diyaaradahna oo weerarada lagu geesanayo ay sii kordhayaan.

Mar sii horreysay, militariga Israa’iil ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo laga soo diray dhinaca dalka  Suuriya ay ku soo dhacday waqooyiga gobolka buuraha Golan ee la haysto. mana sheegi n diyaaradaasi in laga hortagay iyo in ay caadi usoo dhacday.

Kooxda Xisbullaah ayaa dhawaan weerar ay u adeegsatay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ku qaaday saldhig ay leeyihiin milatariga Israa’iil, waxaana weerarkaasi lagu dilay dhowr askari , halka tiro kale oo badana lagu dhaawacay, waxa uuna noqday weerarkan mid walaac xooggan ku abuuray Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa u maqan Maatida uu maalin walba maalkooda urursado Duqa Muqdisho?

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Iraq iyo Heshiisyo la saxiixayo

Cabdi Cade

Maxay dowlada Somalia ka faa’iiday shirkii maanta? (Akhriso todobo qodob)

Caydiid Ali