Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga , Hakan Fidan, ayaa la kulmay xubno ka tirsan hoggaanka sare ee ururka Xamaas, kaddib dilkii ciidamada maamulka Israa’iil u geesteen hoggaamiyihii ururkaasi halyey Yaxye Sinwar.
Kulanka Wasiirka la qaatay xubnaha katirsan hoggaanka ururka Xamaas , ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen oon la ogaan karin waxa looga wada hadlay, waxaasa warbaahinta qaarkood tabinayaan in diirada lagu saaray xaalada soo korortay gaar ahaan dilka hoggaamiyihii ururkaasi.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageera ururka Xamaas una aqoonsan in ay yihiin urur xaq u dirir ah, waxaana gudaha Turkiga ku sugan xubno sar sare oo katirsan hoggaanka uruirkaasi, iyadoona marar badan dalkaasi tagay hoggaamiyihii la dilay ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.
Kulankan dhax maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo xubnaha katirsan ururka Xamaas , ayaa kusoo aadaya xilli kooxdaasi hadda tahay hoggaan la’aan kaddib markii la dilay Yaxye Sinwar oo isbuucyo kahor xilka hoggaanka Xamaas qabtay kaddib markii la dilay Ismaaciil Haniyah.
Kooxda Xamaas ayaana la filayaa in ay ku dhawaaqdo hoggaamiye cusub oo beddeli doona hogaamiyahoodii la dilay, waxa ayna kooxda isku diyaarineysaa in ay Israa’iil ku qaado weerar ay ugu aargudeyso dilka hoggaamiyahooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com