Allbanaadir.com
NEWS

Xiriirka Iran iyo Lubnan oo bur bur qarka u saaran kaddib markii…

Xiriirka Iran iyo Lubnaan ayaa ku dhow burbur, kaddib markii Ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati uu ku eedeyay Iran inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Lubnaan, wuxuuna u yeeray safiirkii u fadhiyay Lubnaan dalka Iran.

Arrintan waxay ka soo billaabatay markii guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf oo toddobaadkan booqday Lubnaan uu sheegay inay diyaar u tahay Iran inay kala xaajooto Faransiiska hirgelinta qaraarka Qaramada Midoobay ee khuseeya koonfurta Lubnaan.

Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1701, ee la ansixiyay 2006, ayaa ku baaqaya in xadka koonfurta Lubnaan laga fogeeyo hub ama ciidamo aan ka ahayn kuwa dawladda Lubnaan, iyada oo ujeedadu tahay in nabad lagu ilaaliyo xuduudka Israa’iil, haddii qaraarkan la ansixiyana waa wax u dhigma inay Xisbullah ka bixi doonto aagga loo calaamadiyay inan hub lala soo geli karin, waana wax ku dhow hub ka dhigis lagu sameeyay Xisbullah.

Ra’isul Wasaare Najib Mikati ,ayaa sheegay ka hadalka iyo wada xaajoodyada qaraarkaa la xiriira inay u taallo dawladda Lubnaan, isagoo markaa caddeeyay inaysan marna aqbaleyn inay Iran u dhaqanto inay maamusho dalka Lubnaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Somalia & Sacuudiga oo War Murtiyeed wadajir ah soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Xamse Barre & wafdi uu horkacayo oo dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

RW Rooble oo caawa booqday dhaawacyada qaraxii ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---