Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Sare ee Kenya oo si KMG u hakisay go’aankii xilka looga qaaday Gachagua

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, ayaa si kumeel gaar ah u hakisay go’aanka Aqalka Senate-ka uu xil ka qaadista ugu sameeyay Madaxweyne Kuxigeenkii Kenya Rigathi Gachagua, kaddib mooshin ay ka gudbiyeen xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Kenya.

Maxkamadda ayaa si kumeel gaar ah u hor istaagtay badalka lagu sameeyay Rigathi Gachagua illaa kiiskan ay ka dhagaysanayso 24 bishan Oktoobar. waxa ayna tallaabadan maxkamadda qaaday imaaneysaa xilli Baarlamaanka Kenya si aqlabiyad leh u ansixiyeen Madaxweyne kuxigeen cusub oo Kenya yeelatay.

Qareenka Rigathi Gachagua ayaa su’aal ka keenay degdegta uu Barlamaanku ku badalay Madaxweyne Kuxigeenka, waxa uuna sharcidarro ku tilmaamay qareenka qaabka ay xildhibaannada u mareen xil ka qadaista lagu sameeyay Madaxweyne kuxigeenkii Kenya..

Madaxweyne William Ruto ayaa si dhakhso leh ugu magacaabay wasiirkiisa arimaha gudaha Professor Kithure Kindiki in uu noqdo Madaxweyne Kuxigeenka cusub, waxana magacaabistaasi ogolaaday 236 xildhibaan oo cod u qaaday.

Sharciga dalka Kenya ayaa u ogolaanaya Madaxweynaha in uu ku soo magacaabo Madaxweyne Kuxigeen 14 maalmood guduhood iyo in Barlamaanku cod ugu qaado muddo 60 maalmood ah, waxa ayna tani soo afjareysaa khilaafkii Madaxtooyada shaqadeeda saameynta ku yeeshay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo wada qorshayaal ka dhan ah Madaxda Maamul Goboleedyada

admin

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay Goof-gaduud

Caydiid Ali

Xagee ku dambeysay diidmadii Somaliland ee booqashadii Madaxweyne Farmaajo?

admin
Taboola Ads ---