Dagaalo ayaa xalay iyo saaka mar kale ka dhacay Degmada luuq Gobolka Gedo kuwaasoo dhaxmarayaa Beelihii horey ugu dagaalamay xili maalmahan ay isku hor fadhiyeen qeybo ka mid ah Magaalada.
Dhinacyada dagaalamaya oo ku jirey hub urursi iyo diyaargarow ayaa mar kale xalay saqdii iyo maanta barqadii waxaa dhaxmaray dagaalo hub kala duwan la isu adeegsanayo.
Ilo wareedyo ayaa ku soo waramaya in la maqlayey jug iyo rasaas xoogan oo ka dhacaysa agagaarla baqaarka weyn ee Xaafada iidaale iyo goobaha u dhow oo ku yaala afaafka hore ee laga galo degmada Luuq
Shacabka ku harey xaafadaha ku dhow goobaha lagu dagaalamayo ayaa waxaa soo wajahay walaac xoogan iyo cabsi, qaarkoodna waxay bilaabeen iney guryahooda isaga qaxaan.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaaladan u dambeeyey oo ku soo beegmay xili dhowaan heshiis nabadeed la dhex dhigay labada beelood kaasoo ay ka soo shaqeeyeen masuuliyiinta Jubbaland iyo waxgaradka degmada Luuq.
Maleeshiyada labada beelood ayaa weli iska hor fadhiya goobaha la isku fara saaray kuwaasoo mararka qaarkood isweydaarsanaya rasaas iyo kale oo culus, iyadoo dagaaladan ay salka ku hayaan dilal labada beelood horey uga dhex dhacay oo aan xal loo helin.