Allbanaadir.com
NEWS

Gideon Tomotios oo loo magacaabay Wasiirka A/dibeda Itoobiya

Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya golihiisa Wasiirada

Xubnaha la magacabay waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha dibada oo laga dhigay Dr. Gideon Tomotios

Sidoo kale Abiy ayaa magacabay Seifit Kasa iney noqoto Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska halka Hana Aryaslase loo magaacabay Wasiirka Cadaaladda.

Dr. Gideon Tomotios ayaa bedelaya Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Ambassador Taye Atskeselassie oo dhowaan noqday madaxweynaha Itoobiya oo aan laheyn dastuuri ahna kaliya Madaxweyne sharafeed.

Gideon Tomotios Waa siyaasi Itoobiyaan ah oo horey u soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka tan iyo 2dii Nofambar 2021. Waxaa uu soo noqday Wasiirka Cadaaladda, isagoo ka soo shaqeeyey xafiiska Madaxweynaha dalkaas.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh & Xoghayaha Guud ee QM?

Caydiid Ali

Mid kamid ah Wasiiradii uu Magacaabay Madaxweynaha K/Galbeed oo Caawa is casilay

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---