Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo yeelatay Madaxweyne ku-xigeen cusub

Aqalka sare ee barlamanka Kenya ayaa ugu dambeyn xilka ka xayuubiyey Madaxweyne Ku-Xigeenkii dalkaas Rigathi Gachagua, kadib markii ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen eedeymo la xiriira xadgudubyo waaweyn.

Arrintan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in booska Madaxweyne Ku-Xigeenka uu bannaan yahay, taasoo u oggolaaneysa Madaxweyne William Ruto inuu magacaabo shaqsi kale oo buuxiya jagadaas.

Todobaad ka hor Aqalka Baarlamaanka ayaa xilka ka qaaday Gachagua iyadoo 281 xubnood ay u codeeyeen in xilka laga qaado.

Gachagua waxaa uu sidaas ku noqday Madaxweyne Ku Xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya ee labada aqal ee Baarlamaanka ay xilka ka qaadaan.

War goor dhow soo baxayna waxaa uu sheegayaa in Professor Kithure Kindiki oo horey u ahaa Wasiirka arrimaha gudaha loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka dalka kenya, kaddib markii xil ka qaadis lagu sameeyey madaxweyne ku xigeenkii hore Rigathi Gachagua.

Magacabista ayaa dhawaan loo gudbin doonnaa  Baarlamaanka dalkaasi si ay u ansixiyaan.

Related posts

Midawga Musharrixiinta oo fariin adag u diray Farmaajo, Shacabka iyo Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Qarax xoogan oo lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntiland oo ka dhacay Gaalkacyo

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo arin muhiim ah kala hadlay Madaxweyne Guudlaawe (Sawirro)

Cabdi Cade