Ciidamada Booliska ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir waxay gacanta ku dhigeen waxyaabo laga shakiyay iyo qofkii heystay.
Howlgalka ayaa ka dhacay guri ku yaalla xaafada Nageyle ee degmada Kaaraan, waxaana laga soo qabtay, waxyaabo ay ka mid yihiin telefoono mobile ah, fiilooyin la isku xir xiray iyo agab kale oo looga shakiyay in loo adeegsado qaraxyada.
Nin la sheegay inuu watay waxyaabahan laga shakiyey ayaa la soo xiray sida Boolisku sheegeen waxaana ku socda baaritaano.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com