Allbanaadir.com
NEWS

Yaa bedelaya Sinwar hogaamihiyii la dilay ee Xamaas?

Waxaa haatan la isweydiinayaa cida qabaneysa xilka madaxa xafiiska siyaasadda ee xamaas iyo qofka u dambeeya ee qaadanaya go’aamada ururka. Haddii ay Xamaas xaqiijiso dhimashada Yaxye Sinwar,

Waxaa jira labo magac oo la billaabay hadda in laga hadlo.  Saraakiisha Mareykanka ayaa CNN u sheegay in walaalkii Sinwar oo lagu magacaabo  Mohammed Sinwar laga yaabo inuu beddelo, waxayna ku si feeyeen mid aad u adadag sida Yaxye, oo leh mowqif adag.

Magaca kale waa Khaliil Al-Haya, oo hadda ah ku-xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas oo ku sugan Qatar, wuxuuna hoggaamiya wada-xaajoodyada dhexdhexaadiyaasha.

Waxaa sidoo kale aan meesha aan laga saarin nin 3aad oo la yiraahdo Khalid Mashcal oo ka tirsan hogaanka Xamaas ee dibed jooga ah kaasoo degan dalka Turkiga.

Sinwar ayaa noqonaya hogaamiyihii lixaad ee Xamaas laga dilo tan iyo markii la aasaasay waxayna dad badan aaminsan yihiin In israel ay dishay Sinwar balse ay weli nooshahay Xamaas oo ah fikrad ku dhex nool dhiiga shacabka Falastiin.

KHALIL HAYYA
KHALIL HAYYA
KHALID MASHAL
KHALID MASHAL
MOHAMED SINWAR
MOHAMED SINWAR

Related posts

Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo hakiyay Qorshe Caasimad cusub ku dhisan lahaa !!

Cabdi Cade

Jabhada TPLF oo baaq u dirtay Shacabka Tigrey xilli duullaan culus ku socdo

Cabdi Cade

Dayuurad Israel kaga burburtay Gaza & askar ku dhimatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---