Waxaa si rasmi ah xalay ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee waddani Xildhibaan Eng Saleebaan Axmed Carab oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, Maayir ku xigeenkii hore oo degmadda Burco Dr. Mukhtar Cabdi Baaryare iyo Xildhibaan Khalid Xassan Diiriye oo ka tirsan Golaha Degaanka Burco.
Xildhibaanadan ayaa dhamaantood ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana ay si rasmi ah ugu biireen xisbiga WADDANI .
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa si wada jir ah u qaabilay Xildhibaanadan isla markaana uga mahad celiyey inay ku soo biiraan xisbiga.
Wasiir Hore Boos Mire Maxamed ayaa ku dhawaaqey inuu iska casilay xisbiga KULMIYE isla markaana uu ololeynayo Musharax Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Beeraha ee xalay iska casilay xukuumada Muuse Biixi Naasir Caydiid ayaa ku biiray xisbiga Wadani.