Heerka cimilada ee sii kululaanaysa ayaa la dilayaa in kuleyl daran ay ka sababaan dhowr dal oo ku yaalla Geeska Afrika, sida ay sheegtay xarunta saadaalinta cimilada (ICPAC) ee urur-goboleedka IGAD.
Xarunta ICPAC ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ee saadaasha cimilada ku sheegtay in heerkulka daran ay wajihi doonaan ugu yaraan ilaa lix dal.
Dalalkan waxaa ka mid ah Soomaaliya, Suudaan, Suudaanta Koofureed, qeybo ka mid ah Eritrea, Itoobiya iyo waqooyi-galbeed iyo bariga Kenya.
Meelaha ay xaruntu saadaalisay in kuleylka daran lagu arki doono ayaa waxaa ka mid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.
Heerkulka ayaa la saadaalinayaa inuu kor u kaco 38 digrii dalalka qaar, tan oo ka kulul sidii hore loo saadaalin jiray.
Geeska Afrika ayaa wuxuu wajahayaa cimilo ba’an, abaaro iyo roobab xooggan sababo la xiriira cimilada is beddeleysa.
Ururka Cunnada iyo Beeraha ee QM ee FAO iyo urur-goboleedka IGAD ayaa sheegay in cimilada isbeddeleysa ay sababtay cunno yaraan, iyadoo ilaa 67 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay khatar ugu jiraan macluul.
Xafiiska arrimaha bani’aadannimada QM ayaa sheegay in ilaa 49 bilyan oo doollarka Mareykanka ah loo baahan yahay si loo caawiyo dadka ay saameysay isbeddelka cimilada ee dunida ku nool.
Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan caalamka uuna halakeeyay dagaal, balse waa mid “wax laga qaban karo”, sida uu sheegay sarkaalkeeda sare ee cimilada.
Dalka ayaa waxaa halakeeyay dagaal in ka badan 30 sano oo ay isku dhacyo socdeen – waxaana ka mid ah kacdoon Islaami ah, dagaal sokeeye, iyo isku dhacyo gobol iyo kuwo qabaa’il oo dhowr ah. Haddana Cabdixakiin Caynte, la taliyaha cimilada ee raysal wasaaraha Soomaaliya, ayaa weli dalkiisa u arka mid rajo leh.
Waxa rajadiisa ka dhigaya mid yaab leh ayaa ah xaqiiqda ah in isbeddelka cimilada uu kasii darayo dhammaanba caqabadaha uu dalkiisa wajahayo.
Mid ka mid ah falanqeeyeyaasha ayaa isbeddelka cimilada ku tilmaamay “mid dhibka sii labalaabta”, sababtoo ah waxay dab kusii shidday xiisadaha jira iyadoo sii dheereyneysa dagaalka dalalka nugul sida Soomaaliya.
Balse Soomaaliya, oo ku taalla bariga qaaradda Afrika, looma qabsan karo cimiladeenna isbeddeleysa. Xogta waa mid yaab leh. Soomaaliya ayaa soo saareysay maaddada carbon dioxide ee ka imaaneysa dhuxusha tan iyo 1950-meeyadii inta uu dhaqaalaha Mareykanku ka sameeyo celcelis ahaan saddex maalmood.
Saameynta ugu daran waxay gaartay beeraha. Soomaaliya ayaa weli ah dal dhaqaalihiisu aad ugu tiirsan yahay beeraha, iyadoo saddex meel ka labo bulshada ay ku tiirsan yihiin beeraha iyo dhaqashada xoolaha.
Sanadkii 2022 dalka ayaa wuxuu wajahay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah – xaalad ay saynisyahannadu ku sheegeen in 100 jeer laga yaabo inay sababtay isbeddelka cimilada ee aadmigu sababay.
Xoolo-dhaqatada geela iyo beeralleyda yaryar ee aan la kulannay ayaa saameynta daran ee isbeddelka cimilada wajahaya. Kumannaan sano Soomaalida ayaa nolol-maalmeedkooda ka helayay dhaqashada geela iyo ariga.
Balse isbeddelka cimilada ayaa carqaladeynaya helidda roobka ee suurtogalka ka dhigay habkan ay u nool yihiin.
Kadib in ka badan 30 sano oo dagaal ah, Soomaaliya ayaa hoos uga sii dhacday liiska waxyaabaha ahmiyadda u leh dunida. Dhibaatooyinkeeda ayaa waxaa asal u ah waxa u muuqda isku dhacyo degdeg ah, sida meelaha Ukraine iyo Gaza. QM ayaa ku qiyaaseysa in Soomaaliya ay u baahan tahay ugu yaraan $1.6bn (ilaa £1.2bn) si ay u daboosho baahideeda bani’aadannimo sanadkan, balse ilaa haatan keliya $600 oo milyan ayay ku deeqeen dowladaha deeq-bixiyeyaasha.
Xigasho: BBC