Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW khayre oo kormeeray ciidamo cusub oo loo diyaariyey amniga Muqdisho

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa booqday ciidamo loo diyaarinayo inay ka qeyb qaataan sugida amniga magaalada muqdisho.

Ciidamadan loo diyaarinayay sugida muqdisho ayaa lagu sheegay inay yihiin dhalinyaro doonaya inay u shaqeeyaan dalkooda iyo dadkooda.

Khayre, Taliyaha Ciidanka Booliska,Wasiirka Qorsheynta iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka G/Banaadir ayaa tegay saddex xarumood oo uu ka mid yahay dugsiga tababarka Jen. Kaahiye, waxaana uu warbiixn ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada xareysan.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu mid mid ula hadlay Ciidamada Booliska ee Xarumihii uu booqday tababarka uga socday, isagoo u jeediyey hadalo dardaaran ah.

Dhawaan ayay aheyd markii  magaalada muqdisho lagu wareejiyay sugida amnigeeda ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo wax badan ka badalay xasilooniyadda caasimadda, inakastoo mararka qaar ay wax ka dhacaan degmooyinka Gobalka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jaamacadda Jazeera oo soo kordhisay koorsooyin caafimaad oo heer caalami ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir isku daldalay sabab la xiriirta hoos u dhaca dhaqaale ee uu keenay Coronavirus

Caydiid Ali

Iska hor imaad Khasaaro geesay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---