Waxaa maalmihii lasoo dhaafay la baahinayay warar sheegayay in mid kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopterka , oo ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ku dhacday deegaan ay maamulaan kooxda Al Shabaab lana wareegeen.
Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa qoraal uu saakay soo saaray ku sheegay in ay been tahay in diyaarad ay ciidanka xoogga dalka leeyihiin la wareegeen kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in warkaasi faafiyeen Al Shabaab iyo cadawga Soomaaliyeed.
”Khawaarijta iyo cadowga kale ee Soomaaliya waxay maalmahaan faafinaayeen been ah in diyaarad ay ciidanka xoogga dalka ay leeyihiin Khawaarij qabsatey. Waxay ka naxsanyihiin awooda sida xowliga ah u sii koreysa ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in kooxda Al Shabaab todobaadyadii lasoo dhaafay u aheyd maalmo xanuun badan oo la gaarsiiyay jab xooggan, waxa uuna xusay in lagu naafeeyay laguna jabiyay dagaallo ka dhacay gobolada Mudug, Galgaduud iyo Shabeelaa Dhaxe.
”Tododabaadkii la soo dhaafey khawaarijtu waxay u ahayd maalmo mugdi ah, dharbaaxsho waaweyn ayaa ka gaarey Mudug, Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe. Waxaan sii wadeynaa halganka khawaarijta lagu ciribtiraayo” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Warkan kasoo baxay Wasiirka Difaaca, ayaana kusoo aadaya xilli la baahiyay maalmihii lasoo dhaafay warar sheegayay in diyaarad ay leeyihiin ciidanka xoogga dalka gacanta u gashay Al Shabaab, mana jirin caddeymo la socday wararkaasi la faafiyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com