Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday Xero ciidan

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , ayaa saakay aroortii hore weerar xooggan oo ku bilowday baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay ku qaaday xero ay degan yihiin ciidanka xoogag dalka , gaar ahaan guutada 9-aad qaybta 60-aad.

Weerarkan Al Shabaab fuliyeen ayaa ku biowday gaari ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, waxa ayna si toos ah ugu weerareen ciidanka xoogga dalka ee ku sugan xero ku taalla deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada xudur.

Qaraxayadav kaddib ayaa maleeshiyaad hubeysan oo katirsan Al Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen xerada ay weerareen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhax maray kooxda hubeysan iyo ciidanka xoogga dalka ee ku sugnaa xerada weerarka lagu qaaday.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka oo ku sugnaa xerada la weeraray, ayaa sheegay in ciidanka xoogga ay fashiliyeen weerarka Al Shabaab soo qaadeen, waxa ayna xuseen ciidanka oo hayay xogta weerarkan ay usii diyaargaroobeen ayna fashiliyeen.

Waxa ay sidoo kale sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka in weerarkan Al Shabaab ku gaarsiiyeen khasaarooyin xooggan, iyaga oona intaanku daray in wali wadaan baacsiga haraadiga kasoo haray kuwii weerraka koobaad ka badbaaday.

Al Shabaab ayaana dhankooda weerarkan ay saakay geesteen ka sheegtay guulo, lamana oga ilaa hadda cidda guusha la hoyatay iyo sidoo kale khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee saakay ku dagaallamay duleedka degmada Xudur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi Xooggan oo ka taagan Dhuusomareeb iyo Guriceel iyo ciidamada oo heegan la galiyay

Cabdi Cade

RW Rooble, Madaxda dowlad goboleedyada & Musharaxiin caan ah oo kulmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo guddiga joogta la wadaagay Warbixin ku saabsan…

Cabdi Cade