Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo Shaaciyay in dadka Muqdisho maamulkooda dooran doonaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay bandhigga wax-qabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024, ayaa sheegay in maamulku uu xaqiijiyey labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda ku dhaqan u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.

“Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka ay dadku maamulkooda ku soo dooranayaan, shacabkuna ha u diyaar garoobaan doorashadaasi la filayo in ay qabsoonto” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyadda gaara ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah, isaga oo ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Dilaa ah oo Khatar ku ah raga oo laga baadi goobayo dalka Kenya !!

Cabdi Cade

Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo soo saaray War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

Cabdi Cade

Qeys Saciid oo guul weyn ka gaaray doorasho shalay dhacday

Cabdi Cade