Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo) Xassan Shiikh oo ku dhega hadlay Axmed Madoobe

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa si dadban uga hadlay sababihii u Axmed Madoobe uga baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka oo haatan ku jira hakadka.

Axmed Madoobe ayaa ka baxay shirka kuna laabtay Magaalada Kismayo ka dib markii uu ka hor yimid muddo kororsi hal sano oo la siinayo madaxda dowlad goboleedyada si loo qabto doorasho dadweyne, hase ahaatee Axmed ayaa diiday arrimahaas isagoo ku adkeystay doorasho dadban inuu qabsanayo.

Xassan Shiikh oo ku dhega hadlayey Axmed Madoobe ayaa sheegay ineysan Somalia ka jirin wax la yiraahdo codka diidmada qayaxan ee Vito, taladana ay tahay mid la wadaago.

“Qofna Veto Power malahan Soomaaliya, saan lama yeelayee saan hala yeelo cid laga yeelayaa ma jirto, talo ayaad leedahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xassan Shiikh ayaa sheegay in talada dalka ay tahay mid ka dhexeysa shacabka Soomaaliyeed uusana jirin shaqsi keligiis qaadan kara go’aan isaga u gaar ah.

“Ama talo keen noqo ama talo raac noqo, haddii lagaaga bato codkana raac meesha loo batay, qofna Veto Power malahan Somalia, anagaa naloo doortay, dhamaan madaxda dalka ma jiro qof dhihi kara sidaan lama yeelayo sidaanaa la yeelayaa” ayuu yiri Xassan Shiikh oo hadalkan ka jeediyey Munaasabadda daahfurka Qoraalka qorshaha Isbadalka Qaranka oo ka furrmay Magaalada Muqdisho

HOOS KA DAAWO HADALKA XASSAN SHIIKH

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal oo dood adag ka yeeshay doorashooyinka iyo matalaada Shacabka

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sargaal Ciidan oo xagooda usoo goostay

Cabdi Cade

Sheekh Shaakir oo ka hadlay Xiisada ka taagan Galmudug iyo abaabulka ay wadaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---