War-Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska RW Somalia ayaa looga hadlay shirkii wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Muqdisho kaasoo hakaday markii uu ka baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Xafiiska RW ayaa sheegay in shirkaas uu weli socdo madaxda qaarkoodna ay wadatashiyo gaar ah ku maqan yihiin.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkaas dib la iskugu soo laaban doono 26-ka bishan Oktoobar oo ay hadda naga xigto muddo 10 cisho ah.
Axmed Madoobe ayaa ka baxay shirka kuna laabtay Magaalada Kismayo ka dib markii uu ka hor yimid muddo kororsi hal sano oo la siinayo madaxda dowlad goboleedyada si loo qabto doorasho dadweyne, hase ahaatee Axmed diiday arrimahaas isagoo ku adkeystay doorasho dadban inuu qabanayo.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA