Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday masuul sare mid cusubna magacaabay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xilka ka qaaday Cabdullaahi Cabdi Bariise oo ahaa Hanti-dhowrka Guud ee maamulka Hirshabeelle.

“Madaxweynaha ayaa marka uu arkay qoddobka 60-aad farqadiisa 1-aad xarafka (b) ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle iyo sida ay muhiim u tahay in isbeddel lagu sameeyo Hanti-dhowrka Guud ee Hirshabeelle waxa uu Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud u magacaabay Mudane Axmed Sheekh Nuur Iidle” ayaa lagu yiri wareegto madaxweynaha soo saaray.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa faray Guddoomiyaha cusub ee Hanti-dhowrka Guud dardargelinta iyo qaabeynta shaqadda loo idmaday.

 

Related posts

(Sawirro) Dad nool oo todobaad ka dib laga soo saaray burburka & dhimashada oo gaartay..

Caydiid Ali

DEG DEG: Farmaajo oo xeer ka soo saaray musuqa dhulalka danta guud xilliga doorashada

Caydiid Ali

Tirada geerida dhulgariirka Myanmar oo labo kun dhaaftay (Sawirro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---