Allbanaadir.com
NEWS

Goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo cabsi darteed loo xiray

Goobo badan oo ganacsi oo kuyaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir , ayaa la xiray maalmihii lasoo dhaafay, kaddib markii ganacsatada goobahaasi leh ay hanjabaadyo dil ah kala kulmeen maleeshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab oo soo wacay.

Sida aan xogta ku helnay dukaaman badan oo kuyaalla laamiga degmada Dayniile , ayaa la xiray kaddib hanjabadayo Al Shabaab uga yimid, ganacsatada loo hanjabay ayaa la sheegay in goobahooda ku xireen kaamirada qarsoon ee CCTV.

Guddiyo ay iska xuleen ganacsatada ayaa u tagay laamaha amniga degmada Dayniile si ay ula socodsiiyaan xaalada lasoo daristay, hasa ahaatee ganacsatada ayaa lagu amray in aysan kaamirada ka bidxn karin goobahooda, haddii ay sidaasi sameeyaana xabsiga la dhigi doono.

Ganacsatada ayaana si joogto ah waxaa u soo wacaya xubno la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab , kuwaa oo ganacsatada ku amraya in goobahpooda ka bixiyaan kaamirooyinka CCTV , haddii kale la dili doono ganactasada ama la qarxin doono goobahooda ganacsi.

Cabsida lasoo daristay ganacsatada ayaa sii korortay kaddib markii xubno katirsan  Shabaab ay maalmo kahor toogteen ganacsato dhowr ah oo goobo ganacsi ku lahaa degmada Dayniile, kaddib markii diideen amarka Al Shabaab ee ah in goobahooda ka bixiyaan kaamirooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo tallaabo layaab leh u qaaday keenista dalkeeda Ciyaaryahan Lionel Messi

Cabdi Cade

Dal Afrikaan ah oo dhaqaale lagula dagaalamo Coronavirus ugu deeqay China

Caydiid Ali

Siyaasi caan ah oo ku baaqay in dacwad lagu soo oogo Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---