Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda sare ee Kenya oo diidday qorshe uu watay Rigathi Gachagua

Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, ayaa ku fashilmay qorshe uu doonayay oo ahaa in maxkamadda sare ee dalka Kenya ay hakiso ama joojiso in mooshinka xil ka qaadista isaga ka dhanka ah ay ka doodaan golaha Aqalka Sare ee Kenya.

Baarlamaanka Aqalka Hoose ee dalka Kenya ayaa dhawaan si aqlabiyad leh u ansixiyay in xilka laga qaado Madaxweyne kuxigeenka dallka Kenya oo eedeymo culus loo jeediyay, kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Ruto iyo kuxigeenkiisa.

Qareenno u doodayay Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya, ayaa maxkamadda sare u gudbiyay codsi ah in la joojiyo in golaha Aqalka Sare ee Kenya ay ka doodaan ayna eel mariyaan mooshinka la doonayo in xilka looga qaado Rigathi Gachagua.

Garsoore Chacha Mwita ayaa go’aamiyay in baarlamaanka Aqalka Sare loo ogolaan doono in uu sii wato waajibaadkiisa dastuuriga ah, waxa uuna garsoorahan sheegay in maxkamadda sare aysan faragelin doonin mooshinkan baarlamaanka horyaalla.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Kenya , ayaa lagu wadaa in maanta bilaabaan ka doodista mooshinka kalsooni kala noqoshada Madaxweyne kuxigeenka Kenya, Aqalka Sare ayaana haddii ay iyana meel mariyaan xil ka qaadista Rigathi Gachagua sidaas meesha uga bixi doono.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya oo siyaasada ku kala tageen saxaiibkiis hore William Ruto, ayaa lagu eedeeyay dambiyo ay kamid yihiin in uu ku kacay musuqmaasuq iyo isdaba marin, sidoo kale taageerayay dibadbaxyadii rabshadaha  watay ee bilooyin kahor ka dhacay Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee ku dhacday in Israel ay 8 bilood ka dib Gaza ka soo furato afar Maxbuus?

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo saakay la wareegay amaanka xarunta Gobolka Banaadir iyo baaritaano adag oo …

Cabdi Cade

Nabadoon Mucaarad ku ahaa Axmed Madoobe oo caawa lagu dhaawacay Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---