Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Israa’iil oo ku eedeeyay Turkiga qaraxii ka dhacay Tel Aviv

Hay’adda sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet iyo Booliiska maamulkaasi , ayaa ku eedeeyay in dowladda Turkiga wax ka maleegtay qarax gaari loo adeegsaday oo 18-kii bishii Agoosto ee sannadkan ka dhacay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil.

Qoraal wadajir ah ay soo saareen sirdoonka Israa’iil iyo booliiska , ayaa lagu sheegay in dalka Turkiga laga soo abaabulay qarax fashilmay oo ka dhacay magaalada Tel Aviv, kaa oo la sheegay in la doonayay in waxyeelo xooggan lagu gaarsiiyo Israa’iil.

Sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay in qaraxan laga soo abaabulay Turkiga uu ka dhacay meeshii loogu tala galay meel aan aheyn, waxa ayna sheegeen qofka lagu tuhmayo weerarkan fulintiisa in uu xiriir la sameeyay sargaal katirsan Xamaas oo ku sugan dalka Turkiga .

Maamulka Israa’iil ayaana qoraalka kasoo baxay sirdoonkooda lagu sheegay in xarumo kuyaalla dalka Turkiga oo leeyihii kooxda Xamaas lagu diyaariyo weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah Israa’iil, hadalkaas oo wali aysan dowladda Turkiga ka jawaabin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarado Ciidamo badan sida oo saakay ka degay garoonka Diyaaradaha Dhuusomareeb

Cabdi Cade

(Sawirro) Xulka Argentina oo si xarago leh ugu soo baxay finalka Koobka Aduunka

Caydiid Ali

C/raxman C/shakur: “Ma jiro xeer loo cuskaday barakicinta shacabka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---