Dowladda Talyaaniga ayaa faah-faahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Soomaaliga kaasoo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdisho joojisay.
Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegey in hakinta ay la xiriirto farsamo dhanka maamulka ah ayna Wasaaradda Arrimaha-dibedda Talyaaniga hadda si toos ah ugu hawlan tahay iney sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.
Mar wax laga weydiiyey sabababta loo joojiyey viisahaas iney tahay qaladaad ay sameysay dowlada Somalia oo la xiriira baasaboorka diblomaasiga oo si qaldan loo bixiyey ayuu sheegay iney arrintaas aysan waxba ka jirin.
“Maya sax ma ah in sidaa loo dhigo, waa joojin kooban, waana arrin maamul iyo qabanqaabin ku leh waaye, laakiin haba yaraatee wax siyaasad ku lug leh ma ahan waa arrin wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay il gooniya ku hayso ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku xallineyso.” ayuu yiri