Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf diblomaasi oo ka dhex qarxay dalalka Canada iyo India

Canada ayaa Isniinti shalay ceyrisay lix diblamaasi oo uu ku jiro sarkaal heerkiisu sarreeyo, kuwaas oo lala xiriiryay dilka hogaamiye ka tirsanaa kooxda gooni u gaasadka bulshada Siingaha ee Hindiya oo lagu khaarijiyay gudaha Canada.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa lagu sheegay, in dowladdiisu hayso “caddaymo cad oo adag oo muujinaya in wakiillada dawladda Hindiya ay ku hawlanaayeen isla markaana wali wadaan hawlo khatar weyn ku ah nabadgelyada dadweynaha.”

Goor sii horreysay oo shalay aheyd, Hindiya oo ka jawaabeysa tallaabada Canada, ayaa iyaduna si aargudasho a u amartay in dalkeeda laga raacdeeyo lix diblamaasi Canadiyan ah oo uu ku jiro sarkaal darajadiisu ay sarreyso.

Hindiya waxay kaloo sheegtay in ay u yeeratay danjiraheeda Canada. Muranka dibalamaasiyadeed ee labadan dal ayaa u muuqda in uu kasii darayo.

Wuxuu billaabay in uu dabco wixi ka danbeeyay marki uu ra’iusl wasaare Justin Trudeau sannadki hore shaaciyay, in dowladdiisu heyso caddeymo muujinaya in saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Hindiya ay ka danbeeyeen dilki Canada loogu geystay hogaamiyihi bulshada Siingaha Hardeep Singh Nijjar.

Hindiya ayaa in muddo ahba diidaneyd eedaha Canada. Iyada oo ku eedeysay ra’isulwasaare Trudeau nin ajandayaal siyaasadeed ka leh Indiya.

Related posts

Liiska dalalka ugu farxadda badan dadka caalamka kunool oo la shaaciyey

Cabdi Cade

Kenya oo Safirro u fadhinaya magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa magacawday

Cabdi Cade

Mid kamid ah dowladaha Yurub oo dalkeeda ka tarxiileysa dadka sharci la’aanta ah

Cabdi Cade